Aadan Madoobe iyo Maamulka Hay’adda Maareynta kala hadlay hal arrin oo muhiim ah

0
32

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle oo uu wehliyo Lataliyaha Hay’adda ee Ka-hortaga Leexsashada Gargaarka Mudane C/khaadir Shariif Shiikuna.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa waxaa uu sheegay in hay’addu ay xoojin doonto  dardar-gelinta shaqada qaranka, iyo gaarsiinta  gar-gaarka banii’aadannimo, maadaama la galay  xilli roobaadka Gu’a lagana cabsi qabo fatahaado sababa barakac iyo dhibaatooyin hor leh.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay shaqada baaxada leh ee ay u heeyso bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu faray in bulshada Soomaaliyeed la gaarsiiyo digniino, isla-markaana laga wacyi-geliyo goobaha looga cabsi qabo in ay dabeelaha ku dhuftaan, hay’adduna ay mas’uuliyad gaar ah iska saarto ilaalinta iyo bad-qabka dadka u nugul musiibooyinka dabiiciga ah.

Dhinaca kale Roobabkii guga ayaa si rasmi ah uga curtay deegaanno badan oo dhaca gobollada Dalka Soomaaliya,kadib markii maalmihii u dambeeyay ay jireen xaalado daran oo dhanka kulaylka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here