Maamulka K/Galbeed oo ka hadlay Weerar lagu dilay xubno ka tirsan AS

0
32

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar saaka ciidamo kamid ah kuwa deegaanka ee ka howlgala Koonfur Galbeed ay ku qaadeen goob ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Sida uu baahiyay Telefashinka ku hadla afka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday Tuulada Taflow oo 28-KM dhanka Koonfur kaga beegan Berdaale, halkaasi oo ay joogeen xubno kamid ah Al-Shabaab.

Maamulka ayaa intaasi kusii daray in howlgalka ay ciidanka deegaanka kusoo furteen 7 qori oo AK 47 ah iyo 1 Bkm iyo 8-Sanduuq oo rasaas ah, isla markaana waxaa Shabaab lagu dilay weerarka ay qaadeen ciidanka  9-xubnood, waa sida hadalka loo dhigay.

Wararkii ugu danbeeyay ee haatan laga helayo degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid kacsan, ayna ciidanka deegaanka iyo kuwa daraawiishta Maamulka ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Si kastaba Gobollada Baay iyo Bakool oo ay xilligan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana xusid mudan in marar badan Goboladaasi ay ka dhaceen dagaalo khasaaro badan dhaliyay oo dhinacyada dhexmaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here