Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo maanta xilka la wareegay

0
60

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilkaas si rasmi ah ula wareegay ka dib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaaradda.

Qoraal uu Wasiir Fiqi soo dhigay Mareegtiisa ayuu ku sheegay in ay sharaf u tahay maanta la wareegista xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, xilli munaasabadda ay ka qeyb galeyn mas’uuliyiin. “Sharaf bay Ii tahay maanta in aan xilka wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah la igu wareejiyo ayadoo xaadir yihiin Mas’uuliyiinta iyo hawlwadeennada Wasaaradda,” sida uu ku yiri qoraalka Wasiirka.

Wasiir Fiqi ayaa madaxda dalka ugu mahadceliyey fursad loo siiyey in uu dalkiisa u sii shaqeeyo, “Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuuud iyo raysulwasaraaha xukuumadda Md. Xamse Cabdi Barre oo kalsooni igu qabaan xilkaan iigu wakiishay.”

Xilwareejinta kadib, Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi waxaa kulammo kala duwan laqaatay hoggaanka, waaxyada iyo howlwadeennada Wasaaradda isaga oo ka dhageystay shaqada ka socota iyo ajendeyaasha sanadka.

Danjire Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsanaa Wasaaraddan Arrimaha Dibadda, heystana khibrad in ka badan 20 sano uu ka shaqeynayay hoggaanka sare ee heerarka kala duwan ee dowladnimada, soona noqday Safiirka Soomaaliya ee Suudaan, Taliyaha NISA, Wasiirka Amniga Galmudug, shaqadan cusub kahorna ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhiig cusub ku shubo siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya isla markaana uu sooceliyo kaalinteeda bulshoweynta caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here