DEG-DEG: Premier League Oo Go’aamo Kasoo Saaray Ciyaartii Tottenham vs Liverpool Iyo Garsooreyaashii Oo La Ganaaxay

0
147

Darren England ayaa laga saaray liiska garsooreyaasha Premier League ee kulamada soo socda, kaddib qaladkii weynaa ee uu sameeyey ciyaartii Tottenham iyo Liverpool oo uu ahaa garsooraha VAR oo gudan waayey waajibkii shaqo ee saarnaa.

37 jirkan ayaa diiday gool sax ahaa oo uu Liverpool u dhaliyey Luis Diaz qaybtii hore, kaas oo Tottenham ka caawiyey in ay guul 2-1 ah ka gaadho Liverpool.

Xiddiga reer Colombia ee Diaz ayaa hoggaanka u dhiibay Liverpool daqiiqaddii 34aad oo uu si xarrago leh u dhamaystiray kubbad uu masaafo 18 yard ah ka laaday, laakiin garsooraha dhexe ee ciyaartaas ee Simon Hooper iyo VAR ayaa labaduba isla qaatay in goolkaas lagu diido sabab la xidhiidha OFFISDE, inkasta oo aanu Diaz ku jirin offside.

Maamulka Premier League ayaa isla xalayba soo saaray war-saxaafadeed ay ku sheegeen in ay baadhitaan buuxa ku samaynayaan falkan, sidoo kalena xidhiidhka garsooreyaasha ayaa raalligelin siiyey Liverpool, iyadoo garsoore Darren England oo fadhiyey VAR laga beddelay ciyaartii uu ku qornaa ee Nottingham Forest iyo Brenford oo caawa dhacaysa.

Xidhiidhka garsooreyaasha Ingiriiska ayaa war-saxaafadeed uu hadda soo saaray ku yidhi: “PGMOL waxa uu xaqiijinayaa in uu isbeddel ku sameeyey garsoorihii hore loogu magacaabay ciyaaraha ka hadhay kulamada wareegga 7aad ee Premier League.

“Darren England oo ahaa garsoorihii VAR ee ciyaartii Hottenham Hotspur v Liverpool iyo Dan Cook oo ahaa gacanyaraha VAR ee isla ciyaartaas, ayaa laga beddelay kulamada Nottingham Forest v Brentford iyo Fulham v Chelsea ee maanta iyo berri.

“Craig Pawson ayaa qaban doona shaqadii Darren England ee City Ground (Nottingham Forest v Brentford) halka Eddie Smart lagu beddelay Cook oo gacanyare uu ka noqon doono kulanka Craven Cottage (Fulham vs Chelsea).”

Waxa kale oo xidhiidhka garsoorka Ingiriisku uu sheegay in ay baadhitaanno ku samaynayaan labada garsoore ee ay ganaaxeen ee Darren England iyo Dan Cook.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here