DHAGEYSO=-Gudoomiyaha Mamulka Degmada Balcad oo Faafahin Ka Bixiyay Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Degmada Balcad

0
506

Xaalada degmada Balcad ayaa degen kadib markii waaberigii saaka ay gudaha u galeen xaafado ka mid ah degmadaas dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Wararka waxa ay sheegayaan in labo ruux oo mid kamid ah uu yahay askari ayaa ku dhintey dhowr kalana ay ku dhaawacmeen dagaalkii saaka ka dhacay degmada Balcad.

Dagaalamayaasha Alshabaab oo qabsaday saldhigga booliska degmada Balcad ayaa ka sii daayay dhammaan maxaabiis ku xirneyd.

Sidoo kale waxaa miino lagu xirey xarunta hay’adii nabad sugida iyadoo qarax weyn oo ka dhacay degmadaas.

Gudoomiyaha maamulka degmada balcad ee gobolka shabeelaha dhexe qaasim cali nuur oo wareysi siiyay idaacada balcad ayaa faafahin kabixiyay weerarkii manta ee degmada balcad ay dagaalyahana alshabab kusoo qaadeen.

Degmada Balcad ayaa u jira Muqdisho 30KM, waxaana degmadaas ka mid aheyd deegaanadii 8 sano ka hor laga saaray Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here