Xiisad dagaal oo ka taagan Garoowe & rasaas la maqlayo

0
189

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Maanta ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamada Puntland iyo Ciidamo diidanDiwaangelinta Doorashada qof iyo cod ee Puntland.

Maalin ka hor ayaa waxaa Magaalada Garoowe ku hadlay Saraakiil katirsan Ciidamada DANAB ee Puntland, kuwaas oo ka digay sii socoshada diiwaangelinta doorashada lagu muransan yahay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegayo in Gudaha Magaalada Garoowe ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Ciidamada kale ee diidan diiwaangelinta doorashooyinka, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah.

Dhinaca kale waxa jira wada-hadallo aan weli guuleysan oo u socda Madaxda Xukuumadda Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Maalinta berri ah ayaa Guddiga Doorashooyinku ay u qorsheeyeeen in ay gobolka Nugaal ka bilaabaan Diwaangelinta Doorshada, balse ay u muuqato inay dib u dhici karto maadaama laba Ciidan ay isku horfadhiyaan Magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here