Shiinaha oo cunaqabateyn ku soo rogay Afhayeenka Congress-ka Mareykanka

0
31

Shiinaha ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn ay saartay afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka, Nancy Pelosi iyo qoyskeeda, ka dib booqashadii ay dhowaan ku tagay jasiiradda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Taiwan.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Jimcihii ayaa lagu sheegay in Pelosi ay iska indhatirtay walaaca Shiinaha iyo diidmada adag ee booqashadeeda – Shiinaha ayaa ku andacoonaya in Taiwan ay tahay dhulkeeda ayna ka soo horjeedaan in ay xiriir la leedahay dowlado shisheeye.

Ma jirin wax tafaasiil ah oo ku saabsan cunaqabataynta saaran Pelosi.

Sidoo kal, Shiinaha ayaa dhoolatus ka bilaabay biyaha u dhow Taiwan – kaasoo la filayo socon doona ilaa Axadda.

Pelosi, waa qofkii labaad oo madax sare ka ah Mareykanka, kaasi oo muddo 25 gudahood ah Booqda Taiwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here