Wararkii ugu dambeeyay Howlgallada milateri ee Shiinaha uu ka wado Taiwan

0
31

Xiisadda Shiinaha iyo Taiwan waxay gashay maalintii labaad. Inkastoo aan idinla wadaagi doonno hadba wixii ka soo kordha, haddana arimuhu ilaa hadda waa sidan hoos ku xusan:

Shiinaha ayaa maalintii labaad waxa uu dhoolatus ciidan ka wadaa agagaarka Taiwan. Waa howlgalkii ugu ballaarnaa ee noociisa ah ee uu abid ka sameeyay .

Maraakiib iyo diyaarado badan oo Shiinaha uu leeyahay ayaa ka gudbay khadka dhexe ee xadka badda maalintii labaad, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Taiwan. Halka uu Shiinuhu ka gudbay waa khadka aan rasmiga ahayn ee kala qeybiya marin-biyoodka Taiwan ee u dhaxeeya dhul weynaha Shiinaha iyo Taiwan.

Dhoolatuska milateri ee Shiinaha ayaa daba socda booqashadii muranka dhalisay ee Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Nancy Pelosi oo xubin ka ah xisbiga Dimuqraadiga.

Pelosi oo ka hadashay arrinta ayaa wacad ku martay in aan Shiinaha laga aqbali doonin “inuu go’doomiyo” Taiwan isagoo ka hortagaya siyaasiyiinta Mareykanka inay u safraan halkaas. Wasiirka arrimaha dibadda Taiwan Joseph Wu ayaa u sheegay BBC-da in Taiwan “aysan noqon doonin qaybtii ugu dambaysay ee [riyada] Shiinaha ee isballaarinta”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here