Xukuumadda cusub: Xasan iyo R/W Xamza oo isku dayey inay laba arrin isku helaan

0
27

 Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Talaadadii August 2, 2022 ku dhowaaqay gole ka kooban 26 wasiiro, 24 wasiir dowlo, iyo 25 wasiir ku xigeen. Golaha Wasiiradda ee 75ta xubnood ah oo loogu magacdaray “Dan Qaran,” ayaa laga filayaa inuu isbeddel wax ku ool ah la yimaad muddo xilhaynta labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya waxay yeelatay markii ugu horreysay Wasiirka Bay’adda iyo Isbddelka Cimiladda, iyadoo Wasaaradda Dastuurka lagu daray tan Caddaaladda, tii Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinkana la baabi’iyay.

Guud ahaan xulashada golaha waxuu ku salaysan yahay habka awood qaybsiga 4.5, waxaase xubnaha ka mid ah siyaasiyiin ka tirsanaa xilhayntii hore ee madaxweynaha iyo kuwo kasoo shaqeeyay xukuumadihii dalka soo maray. Taasi waxay ka dhigan tahay in laga dhega adaygay dalabaadkii dadweynaha ee ahaa “xubno ka duwan kuwii xilhayntiisii hore.”

Goluhu waxuu ka tira badan yahay kii Xasan Cali Khayre oo ahaa 67 xubnood, kamana muuqdaan xubno “technocrat” ah oo wax ku ool ah, marka laga reebo dhowr wasaaradood. Wixii ka dambayay dib u doorashadiisii, Xasan Sheekh waxuu inta badan ka maqnaa masraxa siyaasadda gudaha isagoo ku mashquulay diblomaasiyad “Xiinta ah”.

Dhanka kale, u magacaabida Muqtar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa muujinaysaa in Xasan Sheekh uu madaxa ku hayo inuu horta ku wiiqo Al shabaab dagaalka – qoriga iyo caqiidada, inta uusan la fariisan.

Abuu Mansuur oo u qaabilsanaa xoogagga Al Shabaab gobollada Bay iyo Bakool ayaa isu dhiibay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed August 8, 2017, kaddib markii uu ka soo baxsaday 2013kii hoggaanka qallafsan ee ururka. Magaciisa wuxuu addunweynahaba ku faafay markii 2012kii uu Maraykanka ku biiriyay liiska argaggaxisada lana dul dhigay 5 milyan doolar.

Roobow, oo si wanaagsan u yaqaan caqiidada xagjirka ah, ayaa la filayaa inuu fududayn karo in kuwa xil ka haya ay kasoo baxaan, taasoo horseedi karta in dhallinyarada aysan ku biirin. Muddo shan sanadood ah ayuu keligii waabinayay dhagarqabayaasha inta aan la xirin December 2018.

Si kastaba ha ahaatee, fallanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa rumaysan in xubnaha laga soo xushay maamul-goboleedyada, gaar ahaan Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay u badan yihiin kuwo mucaaradsan maamullada deeggaanadaas. Taas waxay ka dhigan tahay in xukuumadda aysan ka badbaadi doonin dagaal siyaasadeed.

Inkastoo, dhismo xukuumad cusub uu yahay had iyo jeer layli adag, haddana waxaa muuqata in Xasan iyo Xamsa diiradda saareen sidii layskugu heli lahaa wasiiro karti iyo khibrad baarlamaan isku leh si ay u hirgeliyaan ballanqaadyadii dib u doorashada.

Haseyeeshee, hirgelinta ajande siyaasadeed oo hammi leh kuma filna qancinta saaxiibada, balse waxuu u baahan yahay in xukuumadu u qalabaysan tahay tanaasulo siyaasadeed oo fududeya in dalka si habsami leh loo maamulo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here