Heshiis hordhac ah oo laga gaaray xiisad u dhaxeeysay laba Beelood

0
672

Kulamo saacadihii la soo dhaafay ka socday degaanka Dhagtuur ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa heshiis horudhac ah looga gaaray xiisad Colaadeed oo u dhaxeeysay Beelo wada dega degaankaasi dhagtuur.

Kulamada xal raadinta ah ayaa waxaa horkacayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Odoyaasha Dhaqanka labada beelood, Maamulka Gobolka Mudug iyo Saraakiisha Ciidamada Booliiska Galmudug.

Dhinacyada ayaa isla gaaray in gacanta lagu soo dhigo dambiilayaashii ka dambeeyey dilalkii ka dhacay degaanka Dhagtuur, iyada oo Ciidamada Daraawiishta, Booliiska iyo kuwa xoogga dalka la amray inay soo qabtaan raggaasi si loo Maxkamadeeyo ragaas.

Kulamada ayaa ka sii socon doona degaanka Dhagtuur, iyada oo dhinacyadu isla falanqeynayaan sidii xal looga gaari lahaa xiisadaha degaanka kusoo noq noqday.

Degaano badan oo kuyaal Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay colaad Beeleedyo soo laab laabtay, iyada oo Maamulka Galmudug uu ku fashilmay wax ka qabashada colaadahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here