Ajendaha Kulanka Maanta Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka

0
71

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ku yeelanayan kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa.

Xildhibaanada ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-ka Bisha uu jiro kulanka, isla markaana looga baahan yahay inay  soo xaadiran.

Ajendaha Kulanka ayaa ah Akhrinta 2aad ee Wax ka Badelka Sharciga Iibka Qaranka iyo Akhrinta 3aad ee Sharciga Tirakoobka ( Statisticada).

Xarunta Villa Hargeysa ay ku shiraan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa haatan waxaa kusii qul-qulaya Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwaasi oo ka qeyb galayan kulankooda oo saacadaha soo socda halkaas furmi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here