Duqa Muqdisho Oo La Kulmay Guddiga Iskaashatada Gaadiidleyda

0
87

Xarunta Aqalka dowlada hoose Xamar ayuu ka dhacay kulan gaar ah oo uu Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) la qaatay Guddiga iskaashatada gaadiidleyda isagoo kala hadlay sidii loo xalin lahaa caqabadaha heesto Gaadiidleyda Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa ugu horeyn ka dhageestay hogaanka gudiga iskaashatada gobolka Banaadir cabashooyin la xariira isticmaalka wadooyinka iyo lacaga ay sheegeen in si sharcidara ah looga qaado

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu tilmaamay in maamulkiisa uu diyaar u yahay wax kaqabashada cabashooyinka ay soo gudbiyeen gaadiidleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here