Musharax Daahir Geelle & RW Rooble oo kulan Xasaasi ah yeeshay + SAWIRRO

0
29

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Xisbiga Dan Qaran ahna Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankaan oo kamid ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaraha la qaadanayay Xubnaha Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay isku dhaafsadeen aragtiyo kala duwan oo la xiriira Arrimaha doorashooyinka dalka.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay is dhaafsadeen aragtiyo ku Aadan marxaladda kala guurka  xaaladda dalka uu ku sugan yahay iyo sida looga gudbi karo.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle in Ra’iisul Wasaaraha ay is dhaafsadeen aragtiyo aad u kala durugsan dowladda aragtideena uu u soo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha halka dhankiisana uu u gudbiyay aragtida Musharixiinta ee ka gudbida Arrimaha taagan.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay ka go’an tahay inay tagaan goob kasta oo looga gudbi karo marxaladda lagu jiro, waxaana uu cadeeyay in cidkasta oo maareyn karta ay goobteeda ugu tegi doonaan.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa kamid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ee dhaliilsan sida Xukuumadda Soomaaliya u wajaheyso Arrimaha doorashada, waxaana uu dhowr jeer uu ku baaqay in xal laga gaaro khilaafka doorashooyinka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here