Isku aadka Copa del Rey oo maanta la sameynayo, xilli Real Madrid iyo Barcelona ay sugayaan kooxaha ay ku beegmeen

0
24

 Isku aadka wareegga 32-ka kooxood ee Copa del Rey ayaa maanta la sameyn doonaa iyadoo Real Madrid iyo Barcelona ay sugayaan kooxaha ay ku aadeen ee Segunda B.

Isku aadka ayaa la qaban doonaa galabta oo Jimce ah 8 bisha Janaayo marka ay saacadda geeska Afrika tahay 3:00 Galabnimo, iyadoo si toos ah looga sii deyn doono Kanaalada rasmiga ah ee xiriirka kubadda cagta Spain.

Kooxaha isku aadka loo sameyn doono ayaa waxa ay kala yihiin:-

Kooxaha ka socda LaLiga Santander: Alaves, Athletic Club, Barcelona, Real Betis, Eibar, Elche, Granada, Levante, Osasuna, Real Madrid, Real Sociedad, Sevilla, Valencia, Real Valladolid, Villarreal.

Kooxaha ka socda LaLiga SmartBank: Alcorcon, Almeria, Espanyol, Fuenlabrada, Leganes, Malaga, Rayo Vallecano, Sporting Gijon, Tenerife.

Kooxda ka socda Segunda Division B: Cordoba, Cornella, Ibiza, Navalcarnero, Alcoyano, Pena Deportiva.

Qaabka uu noqon doono isku aadka:-

Afarta kooxood ee gaaray heerka ugu dambeeya ee Supercopa kuwaasoo kala ah Real Madrid, Barcelona, Athletic Club iyo Real Sociedad ayaa lagu beegi doonaa ama ku aadi doona mid ka mid ah kooxaha ka socda Segunda B.

illaa laga gaarayo afar dhammaadka, dhammaan kulammada ayaa noqon doona hal kulan waxaana la ciyaari doonaa 16 & 17 ama 20 & 21 bishan Janaayo, iyadoo had iyo jeer lagu ciyaaro garoonka kooxda horyaalka hoose ka socota.

Illaa laga gaarayo wareegga 16-ka tartankan kaasoo la ciyaari doono 26, 27 iyo 28 bishan Janaayo lama isticmaali doono muuqaal caawiyaha garsoorka ee VAR.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here