Maxaa ka soo baxay baaritaankii Korona Fayras ee lagu sameeyey Macallinka Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane?

0
19

Zinedine Zidane ayaan ayaa gurigiisa isku go’doomin doona, kaddib markii Korona Fayras laga helay qof isga u dhow oo aan magaciisa la shaacin.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ayaa seegay tababarkii ay xiddiguhu ku qaateen Valdebebas Khamiistii shalay, waxaana tijaabooyinkii la mariyey antigen iyo PCR ee ku aaddanaa Korona Fayras laga waayey macallinkan inuu qabo caabuqan.

Si kastaba ha noqotee, Zidane waxa uu ku qasbanaan doonaa inuu raaco baratakoolka ay Dowladda Spain u dajisay caabuqan si la mid ah waaxda xakameynta xanuunka Korona ee La Liga.

Haddii shaqsigii uu xiriirka la yeeshay Zidane laga helo Korona Fayras, waa inuu maraa labo todobaad oo Karaantiil ah, taasoo lagu soo koobi karo 10 maalmood, iyadoo la eegayo natiijada baaritaanka PCR.

Tani waxa ay la micno noqon kartaa in Zidane uusan kaliya seegi doonin kulanka kooxdiisu ay ka horjeedo Sabtida Osasuna, laakiin sidoo kale waxa uu maqnaan doonaa kulanka semi-finalka Supercopa de Espana oo ay Khamiista la leeyihiin Athletic Club.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here