Nin Ganacsade ahaa oo lagu dilay duleedka Muqdisho

0
52

Wararka laga helayo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Galabta lagu dilay Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade.

Rag ku hubeysnaa Qori AK47 ayaa la sheegay inay dileen  Ninkaasi oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Faarax Sheekh oo loo aqoon jiray Aamusane,xilli uu ku sugnaa Xaafada Shareeco ee deegaanka Ceelasha Biyaha.

Qof kamid ah ehelka Ninka la dilay ayaa waxaa uu sheegay in Ninka uu ahaa Ganacsade leh Ceel ku yaalla ceelasha Biyaha,isla markaana xilliga la dilayay uu watay gaari yar,isla markaana uu kasoo laabtay Xaaafad uu kasoo hagaajiyey Tubo ka haleysneyd.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Marxuumka loo dilay aanooyin qabiil,isla markaana maalmihii la soo dhaafay loo sheegay in rag hubeysan ay raadinayeen,hayeeshee ugu dambeyn ay Maanta dileen.

Raggii ka dambeeyey dilka Ninkaasi Ganacsadaha ahaa ayaa Goobta ka baxsaday,waxana la sheegay inay halkaasi tageen Ehelada Marxuumka, iyaga oo meydka geeyey Xarunta Dambi-baarista ee CID-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here