Muxuu ka yiri Zinedine Zidane guushii ay xalay ka gaareen kooxda Eibar??

0
503

 Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kooxdiisu kaga gaartay naadiga Eibar xalay ciyaar ka tirsan kulamada horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Eibar oo ay ku booqatay garoonkeeda Municipal de Ipurua, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.

Zinedine Zidane ayaa la hadlay warbaahinta kaddib ciyaarta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waa wax dabiici ah inaan dhibtoono, waxaan ku bilaabanay ciyaarta si aad u wanaagsan.”

“Waxaana dhalinay labo gool, goolka ay dhaliyeen ayaa waxyar ciyaarta badelay, laakiin aad ayaan diirada u saarnay.”

“Iyagu waa koox xoog badan, laakiin waxaan u maleynayaa in guud ahaan aan xakameynay ciyaarta.”

Intaas kaddib Zidane ayaa ka hadlay dhacdadii muranka dhalisay ee kubaddii Ramos gacanta kaga dhacday, taasoo ay ciyaartoyda Eibar ku doodeen in rigoore loo dhigo, wuxuuna yiri:

“Waxa ugu muhiimsan garsooraha ayaa ah in arintu u cadahay isaga.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu wuxuu yiri:

“Anigu ma fara gali doono arinta, maadaama sida caadiga ah garsooruhu uu halkna joogay tan iyo markii ay ciyaarta bilaabatay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here