Roy Keane oo ka hadlay aragtidiisa ku aadan tartanka loogu jiro horyaalka Premier League-ga xilli ciyaareedkan

0
339

 Halyeeyga kooxda Manchester United ee Roy Keane ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan tartanka loogu jiro horyaalka Premier League-ga xilli ciyaareedkan.

Roy Keane ayaa dhinaca kale carabka ku adkeeyay in kooxda difaacaneysa horyaalnimada ee Liverpool ay ugu dhowdahay in mar kale ay guuleysato.

Keane ayaa muujiyay xamaasadiisa kaddib guushii weyneyd oo ay Manchester United kaga gaartay Leeds United garoonka Old Trafford.

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford guul weyn kaga gaartay kooxda Leeds United, kaddib markii ay kaga adkaatay 6-2, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Roy Keane ayaa inta uu ku gudi jiay faraqeynta kulankii kooxaha Manchester United iyo Leeds United ee shabakada “Sky Sports” ayaa wuxuu yir:

“Liverpool ayaa ah kooxda ugu xoogan, laakiin Manchester United ayaa noqon karta tan ugu fiican kooxaha kale.”

Jimmy Floyd Hasselbaink, dhiniciisa, kuma raacsaneyn aragtida Roy Keane, wuxuuna yiri:

“Kooxdu maanta wey fiicneyd maxaa yeelay waxay ka faa’iideysteen qaladaadkii Leeds.”

Xiddigii hore Chelsea ee Jimmy Floyd Hasselbaink oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyay in Man United aysan laheyn awood ay ku abuuri karto fursado marka ay la ciyaareyso kooxaha aan sameynin qaladaad badan, isagoo tilmaamay kulamada United ee Chelsea iyo Manchester City, kaasoo ku dhammaaday barbaro goolal la’aan ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here