“Markii aadan ogayn waxa gudaha ka socda ha hadlin” – Xiddiga Man United ee Paul Pogba oo aamusnaanta ka baxay

0
836

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United, Paul Pogba ayaa aamusnaanta ka baxay waxa uuna u jawaabay dadka dhaleeceeya kaddib toddobaadkan oo uu wakiilkiisa Mino Raiola si cad u sheegay inuu doonayo inuu ka tago garoonka Old Trafford.

Raiola waxa uu abuuray khilaaf badan markii uu sheegay todobaadkan in waqtigii xiddiga uu wakiilka u yahay ee kooxda Man Utd uu soo dhammaaday, wuxuuna ka hadlay iibsiga iyo kala wareejinta ka hor inta uusan qandaraaskiisu dhicin xagaaga 2022.

Pogba ayaa keydka la dhigay isla markaana gool dhaliyey kulankii ay wajaheen RB Leipzig, laakiin taasi kama hor’istaagin inay Man United isaga harto Champions League, ciyaarta kaddib tababaraha ManUnited ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka jawaabay hadallada Raiola.

Macallinka reer Norway ayaa xusay inay wanaagsanaan lahayd in Pogba la weydiiyo inuu ku qanacsan yahay kooxda iyo inkale isagoo ka jawaabayay hadalkii ka soo yeeray wakiilkiisa.

Pogba ayaana ku soo bilowday kulankii xalay ee Manchester Derby, kaasoo kooxaha isku magaalada ah ee Man United iyo Man City ay ku kala tageen barbaro goolal la’aan 0-0.

Kulanka kaddib Pogba ayaa aamusnaanta ka baxay waxaana uu ka hadlay mustaqbalkiisa isagoo ku soo hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka, taasoo uu ugu xaqiijiyay taageerayaasha Man Utd inuu “1000%” u heellan yahay sii joogista garoonka Old Trafford.

“Mar walba waan u dagaalamayey, waana u dagaallami doonaa Manchester United, ciyaartoyda aan isku kooxda nahay iyo taageerayaashaba” ayuu yiri Pogba.

“Bla bla muhiim maahan (ku tiri ku teyn), mustaqbalku waa uu fog yahay, waxa na quseeyo waa maanta, waxaana u heellanahay 1000%.

“Had iyo jeer wadajirka ayaa xoog badan, wax walba waa ay inoo kala caddaayeen kooxda iyo anigaba, taasna waligeed isma bedelayso.

“Markii aadan ogeyn waxa gudaha ka socda ha hadin” ayuu hadalkiisa ku soo xiray ku guuleystaha koobka Adduunka ee Pogba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here