Khilaafka Qadar iyo Qaar kamid ah dalalka Carbeed oo ku dhaw in xal laga gaaro

0
904

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kuweyd Sheekh Axmed Naasir Al Sabah ayaa warbaahinta u sheegey in meel fiican uu mareyo wadahadalada lagu dhameyneyo khilaafka u dhexeeya Qadar iyo  Xulafada ay horka cayso boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Waxaa soconeyey maalmihii ugu dambeeyey wadahadalo uu Garwadeen ka yahay Aqalka Cad ee Mareykanka Sigaar ah lataliyaha Madaxweyne Donal Trump mr Jared Ku shner islamarkaana ah Seyiga Gabadha uu dhaley madaxweyne Donal Trump.

Jared Kushna ayaa dhawaan Booqasho ku tagey Qadar iyo Sucuudiga si xal looga gaaro khilaafka u dhexeeya Qadar iyo Qaar kamid ah Dalalka Carbeed inta uusan Xafiiska ka tagin Madaxweyne Trump.

Dhinaca kale wasiirka Arimaha dibadda Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al thaani ayaa isaguna siweyn ugu mahadceliyey dhex dhexaadinta dowladda Kuweyd, wuxuuna soo dhaweeyey Dadaalada ay wadaan qaar kamid ah Saaxiibada labada dhinac.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here