Amb Daahir Geelle: “Kulamada nuucaan ah waxay ka midyihiin qaababka aan rabo in aan ku gaaro bulshada si aan u kala qaadanno xoga badan”

0
57

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo maalmahaan ku sugnaa Turkiga ayaa xalay magaalada Istanbul kulan kula yeeshay Ardayda, Ganacstada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas, Amb Geelle ayaa wanaagsan uga sheekeeyey xaaladda dalka iyo waxa uu damac sanyahay inuu ka qabto haddii uu ku guuleysto hoggaaminta dalka.

Kasoo qayb galayaasha ayaa su’aalo ka waydiiyey damaciisa hogaamineed ee dalka iyo khibradda uu u leeyahay inuu hogaamiyo dalka.

Midka mid ah kasoo qayb galayaasha ayaa yiri: “ aad ayaan ula dhacay hadafka Daahir Geelle waana hubaa haddii uu ka dhabeeyo inuu dalku heli doono hoggaamiye wax badan fahamsan, waa ruug cadaa dhankasta ka dhisan”

Amb Daahir Geelle oo bartiisa soo dhiga qoraal ayaa yiri:

“Hawlo shaqo oo aan beryahaan u joogay magaalada İstanbul ee dalka Turkiga ayaan caawa ku soo gabagabeeyay madal wadatashi iyo casho sharaf oo aan la yeeshay qaar kamid ah ardayda, ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada İstanbul.

Quluubta dadku waa buugaag laga aqrisan karo waxyaabo badan oo lugu dabari karo duruufaha iyo xaaladaha taagan.

Kulamada nuucaan ah waxay ka midyihiin qaababka aan rabo in aan ku gaaro bulshada si aan u kala qaadanno xoga badan.

Mahadda Allaa leh, markaas ka dib dhallinyaradii soo qaban qaabisay iyo intii kulanka ka soo qaybgashay

Amb Daahir Geelle ayaa ka mid ah musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya u sharaxan 2021, wuxuuna ku jiraa dadka loo saadaalinaayo inay ku guulaysan karaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here