Booliska Somaliland oo War kasoo saaray weerarkii Boorama

0
60

Taliska Booliska Soomaaliland ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen weerar rag hubeysan ay xalay ku qaadeen Saldhiga Dhexe ee  Ciidamada Soomaaliland ku leeyihiin Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ay suurtagahay inay gacanta ku dhigaan qaar kamid ah raggii weerarka soo qaadaya halka qaarkale ay u baxsadeen dhinaca Itoobiya.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in weerarkaas uusan jirin wax khasaaro ah oo Ciidanka kazoo gaarey,hayeeshee ay wadaan baaritaano kale oo ku aadan weerarkaas,dibna ay kasoo sheegi doonaan.

Dhinaca kale weerarkaas waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Oday lagu Magacaabo Suldaan Wabar, oo hore jabhad uga samaystay deegaamada gobolka Awdal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here