Australia oo Eedeyn Dusha Kaga Tuurtay dowladda Qatar

0
983

Dowladda Australia ayaa cabasho xooggan u dirtay dhiggeeda Qatar, kadib markii haween dalkaas u dhashay la sheegay in lagu sameeyay baaritaan jirka hoose ah xilli ay raaci rabeen diyaarad u kala gooshaysay Dooxa iyo Sydney.

Baaritaanka ayaa sida la sheegay dhacay kadib markii qof shaqaalo ka ah garoonka caalamiga ah ee Xamad uu arkay ilma markaas dhashay oo lagu tuuray suuli ku yaal garoonka.

Canuga oo aan weli la aqoonsan ayaa waxaa la wareegtay dowladda Qatar oo xanaanadiisa gacanta ku haysa.

Dumarka la baaray si loo ogaado inay canuga dhaleen ayaa waxaa kamid ahaa 13 u dhashay waddanka Australia.

Waxaa la geeyay gaari kuwa gurmadka degdega ah oo yaallay dhabaha diyaaradaha, waxaana loo sheegay inay iska siibaan dharka oo dhan ka hor inta aan la baarin xubintooda taranka, sida ay ku warrantay warbaahinta Channel Seven.

Haweenkaas ayaan loo sheegin sababta loo baaray, waxaana ay raaceen diyaaradda Qatar Airways oo duulimaadka samaysay 2-dii bishan October.

Dowladda Australia ayaa dhacdadaas la wadaagtay mas’uuliyiinta Qatar.

“Waxaan si rasmi ah mas’uuliyiinta Qatar ugu gudbinay cabashada xooggan ee aan ka qabno dhacdadaas, waxaana na loo xaqiijiyay in xog faahfaahsan oo daahfuran sida ugu dhaqsaha badan na loola wadaagi doono,” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibedda ee dalkaas oo u warramay warbaahinta maxalliga ah.

Qatar Airways ayaan weli ka jawaabin codsi ku aaddan inay ka hadasho dhacdadaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here