Kooxda Kubadda Cagta ee Crytal Palace Ka Badisay Kooxda Kubadda Man-United

0
870

Kooxda Kubadda Cagta ee Crystal Palace ayaa Guuldarro ku baday Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester United Garoonkeeda Old Trafford, kaddib markii ay kaga soo adkaatay3-1, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Isbuuca labaad ee horyaalka Premier League.

Daqiiqadii 7-aad ayey Kooxda Crystal Palace ayaa hoggaanka u qabatay Ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Ciyaaryahan Andros Townsend, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jeffrey Schlupp.

Daqiiqadii 72-aad kooxda Crystal Palace ayaa heshay Rigoore waxaana gool u badelay Wilfried Zaha, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd.

Daqiiqadii 74-aad Manchester United ayaa la timid gool, waxaana 2-1 ka dhigay Ciyaarta Xiddiga dhawaan-galka ah ee Donny van de Beek.

Daqiiqadii 85-aad Wilfried Zaha ayaa niyadjabiyay kooxda Manchester United, kaddib markii uu dheesha ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay Crystal Palace

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo Idlaatay 3-1 ay Guusha ay kala noqotay Kooxda Crystal Palace oo ku booqatay garoonkeeda Old Trafford, Red Devils ee horyaalka Premier League kal ciyaareedkan ee 2020-21.

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here