Shirkadda Facebook oo Xafiis ka Furanayso Dalka Nigeria sanadka soo socda

0
466

Shirkadda caanka ah ee xiriirka bulshada ee Mareykanka ee Facebook ayaa ku dhawaaqday inay xafiis ka furaneyso magaalada Lagos ee dalka Nigeria sanadka soo socda.

Waxay noqon doontaa xafiiskeedii labaad ee qaaradda Afrika. Sida laga soo xigtay shirkadda, waxay sidoo kale noqon doontaa xafiiskeedii ugu horreeyay ee Afrika ah ee ay dejiso koox injineero khabiir ah.

Facebook ayaa xafiis ka furtay magaalada Johannesburg sanadkii 2015.

Xafiiskeeda Nigeria wuxuu shaqaalayn doonaa kooxo ka shaqeeya iibka, iskaashiga, siyaasada iyo isgaarsiinta.

Warbixin ay soo saartay, Facebook ayaa waxay ku sheegtay inay rajeyneyso in xaruntiisa cusub ay horumarin doonto wax soo saarka ay dadka Afrikaanka ah u abuureen Qaaradda Afrika iyo Adduunka intiisa kale.

Sanadkii 2016, aasaasaha shirkadda Mark Zuckerberg wuxuu booqday magaalada Lagos safarkiisii ugu horreeyay ee qaaradda.

Tan iyo markaas shirkaddu waxay gacan ka geysatey furitaanka xarun farsamo bulshada dhexdeeda ah oo ku taal magaalada.

Horaantii sanadkaan Facebook wuxuu ku dhawaaqay inuu la kaashanayo shirkadaha isgaarsiinta inay dhisaan xadhig 37,000km (23,000-mayl) ah oo maraakiibta badda hoosteeda maraya si ay u siiso internet ka dhakhso badan 16 dal oo Afrika ah sanadka 2024.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here