Kiisaska Dadka qaba Coronaviruska ee dunida oo kor u dhaafay 30 milyan

0
32

Tirada Kiisaska la xaqiijiyay ee coronavirus ee guud ahaan dunida ayaa kor u dhaafay 30 milyan, sida lagu sheegay daraasad ay sameysay Jaamacadda Johns Hopkins ee Mareykanka.

In ka badan 940,000 oo qof ayaa u dhintay Covid-19 tan iyo intii uu ka dillaacay Shiinaha dabayaaqadii sanadkii hore.

Dowladaha Mareykanka, Hindiya iyo Brazil ayaa laga soo sheegay kiisaska ugu badan, balse xanuunka ayaa ku soo laba kacleeyay Qaaradda Yurub.

Dalal badan oo ku yaalla waqooyiga hemisphere ayaa haatan wajahaya mowjad labaad oo Cudurka Safmarka ee Coronaviruska, iyadoo xilligii qaboobaha ay geli rabaan.

DalkaIngiriiska , ayaa qorsheyneysa inay qaaddo tallaabooyin dheeraad ah.

Qaaradda Afrika ayaa diiwaan gelisay in ka badan hal milyan oo kiisaska fayraska ah, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn heerka xanuunka ee qaaradda Afrika.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here