SAWIRRO:- Magaalo Sacuudiga ku taalla oo la Aaminsanaa inay Habaar qabto

0
15

Magaaladda Hegra ayaa ahaan jirtay magaalo taariikhi ah oo ku taalla Waqooyiga-Galbeed ee Gacanka Carbeed.

Hegra ayaa waxay ka tirsan Dalka Sacuudi Carabiya waxaa lagu arkaa waxyaabo iyo raadad ku taariikhyesan xilli aad u fog.

Qabaa’il ayaa goobtaasi ku noolaan jiray kunkii sano ee ugu horreeyay taariikh xisaabeedka (dhalashadii Ciise ka hor).

Laakiin waxay aad caan ugu tahay haraadiga dadkii boqortooyada madaxa bannaaneyd ee Nabataean-ka iyo qabuuraha dhismaha layaabka leh loo sameeyay ee ku yaalla dhulka lamadagaanka ah. Boqortooyadaasi waxay jirtay qarnigii ugu horreeyay ee taariikh xisaabiyaha(dhalashadii Ciise ka hor). Jerome Rohmer, waa khabiir ku xeel dheer taariikhda dadkii hore.

Isagoo sharraxaad ka bixinaya waxyaabaha lagu xasuusto goobtan ayuu yidhi: “Dabayaaqadii qarnigii 1-aad ee(dhalashadii Ciise ka hor).

dadka loo yaqaanno Nabataean-ka ayaa halkan yimid, oo soo dagay Magaaladda Hegra waxayna horumariyeen magaalada, xilligaasna waxay u badan tahay inuu maamulayay mid ka mid ah boqorradoodii ugu waaweynaa ee la odhan jiray Aretas-kii afaraad. Dadkani waxay goobtaas uga tageen dhammaan qabuurahoodii waaweynaa.”

Markii ay taariikhdu isbaddaleysay, magaaladan waxay ahayd qeybta ugu muhiimsan dhinaca koonfureed ee boqortooyadii Nabataean-ka, sida uu sheegay Rohmer.

“Waxaa lagu tilmaami karaa inay ahayd caasimaddii koonfureed ee boqortooyada Nabataean, halka caasimaddooda ugu weynna ay ahayd Petra oo hadda loo yaqaanno Urdun,” ayuu yidhi.

“Halkan waxa ku yaalla qabuuro aad u badan oo lagu sameeyay dhagaxyo la qoday. Qabuurahan waxay la mid yihiin kuwa ku yaalla Petra. Dadka Nabataean-ka waxay isku xidhiidhinayeen Gacanka Carbeed iyo Dunida ku teedsan badda Mediterranean-ka.”

Wuxuu sheegay in boqortooyadaas ay wadashaqeyn fiican la lahaayeen maamulladii Roomaanka, Giriigga, Faarisiinta iyo Masaarida.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here