Ciidamadda Booliiska Dalka Panama oo Qabteen Labo qof iyo Gaari siday Maandooriye

0
11

Ciidamadda Booliiska Dalka Panama ayaa sheegay in ay xireen labo muwaadin oo u dhashay Dalka Panama kuwaas oo la socday gaari siday 79 baakad oo daroogo sharci daro ah.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa mid ka mid ah dadka la xiray ku sheegay Guddoomiyaha Guna Yala, Erick Martelo. Tan iyo markii xilka laga qaaday.

Booliska ayaa sheegay in ay ku shaqeynayeen macluumaad qarsoodi ah isla markaana ay gaariga ku joojiyeen saacadihii hore ee talaadada meel wado ah.

Waxay ogaadeen in daroogadu ku daadatay kuraasta hoostooda.

Madaxweynaha Panama Nito Cortizo wuxuu ku qoray Bartiisa Twitter-ka isagoo ku hadlaya Afka Isbaanish  in ay na ka go’an yahay Siyaasad Dulqaad la’aan ah oo ku wajahan dabeecad kasta oo ka hor imaaneysa anshaxa ay leeyihiin dhammaan shaqaalaha dowladda inay ku dhaqmaan”.

Illaa iyo hadda, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Mr Martelo ama cid wakiil ka ah.

Guna Yala waxay ku taal xeebta Caribbean ee Panama waxayna hoy u tahay dadka asaliga ah ee Guna.

Koonfurta Guna waxay xudduud la leedahay Dalka Kolombiya xeebteeda dheerna muddo dheer ayay ganacsadayaasha maandooriyaha kokainku u adeegsadaan inay u dhoofiyaan badeecooyinkooda woqooyiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here