Dowladaha Imaaraadka Carabta Baxrayn Israa`iil Iyo Maraykanka oo heshiish Ku kala saxiixdeen Washinton

0
18

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bogaadiyay “waaberiga Bariga Dhexe cusub”, iyadoo ay jirto heshiisyo taariikhi ah oo Israel ay la gashay Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Baxreyn.

Mr Trump wuxuu hadlay markii labada dowladood ee Khaliijka ay kala saxiixdeen heshiisyo si buuxda u caadi ka dhigaya xiriirkooda Israel.

Saddexda waddan waxay ku bogaadiyeen heshiisyada inay yihiin kuwo taariikhi ah, sida Mr Trump oo kale, oo maamulkiisu gacan ka gaysatay inay dallaal noqdaan.

Wadamada Khaliijka ayaa ah wadamada sadexaad iyo afaraad ee carbeed ee aqoonsada Israel tan iyo markii la aas aasay 1948.

Mr Trump wuxuu rajeynayaa in wadamada kale ay ku daydaan, laakiin Falastiiniyiinta ayaa ku booriyay inaysan yeelin inta khilaafkooda aan wali xal laga gaarin.

Muddo tobanaan sano ah, inta badan dowladaha carabtu waxay qaadaceen Israel, iyagoo ku adkeysanaya inay dhisi doonaan oo keliya xiriirkooda kadib markii la xaliyay khilaafkii Israel iyo Falastiin.

“Kadib tobanaan sano oo kala qeybsanaan iyo khilaaf ah waxaan calaamadeyneynaa waaberi Bariga Dhexe,” ayuu Mr Trump u sheegay boqolaal dad ah oo isugu soo baxay Aqalka Cad Talaadadii.

“Waxaan halkaan u nimid galabta inaan wax ka bedelno taariikhda,” ayuu raaciyay.

Raiisel wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu wuxuu soo dhoweeyay heshiisyada, isagoo yiri, “maalintani waa udub dhexaadka taariikhda; waxay muujinaysaa waaberi cusub oo nabadeed.”

Laakiin hogaamiyaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in kaliya ka bixitaanka Israel ee dhulalka ay qabsato ay nabad u keeni karto Bariga Dhexe.

“Nabadda, amniga iyo xasilloonida laguma gaari doono gobolka illaa gumeysiga Israel uu dhammaado,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray ka dib saxiixa heshiisyada, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP.

Ciidanka Israel ayaa sheegay in laba gantaal laga soo ganay Marinka Gaza oo lagu tuuray Israel iyadoo xafladu socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here