Wasiir ka Tirsan Wasiiradda Maamulka Somaliland oo Laga helay Cudurka Coronaviruska

0
389

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Saleebaan Cali Koorre ayaa sheegay in laga helay cudurka Safmarka ee Coroaviruska.

Wasiirka ayaa sheegay in hadda xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, islamarkaana xarunta Covid 19 laga xaqiijiyay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in degaanada Somaliland uu kusoo laba kacleeyay Cudurka. Waxaa uu gali doonaa maalmo Karantiil,maadaama Cudurka laga helay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Maamulka Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibada, Iskaashiga Iyo Xidhiidhka Caalamiga ah oo magaalada Laascaanood iskaga baaray Xanuunka Coronavirus.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta ayaa bulshada ugu baaqay in ay iska baadhaan xanuunka Covid19 isagoo bulshada ka wacyigaliyay halista xanuunkaasi leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here