Dowladda Itoobiya oo mamnuucday rashka dabaaldegyada sannadka cusub ‘

0
822

Ciidamadda Booliiska Dalka Itoobiya ayaa waxa ay mamnuuceen rashka inta lagu guda jiray Dabaaldega sanadka cusub ee Maanta  jimcaha ah ku beegan sababo la xiriira hanjabaad argagixiso, sida ay baahisay Fana Broadcasting oo ay dawladu leedahay.

Afhayeenka Ciidamadda Booliiska ayaa sheegay inay hayaan xog sirdoon oo ku saabsan in shaqsiyaadka qaar ay qorsheynayaan inay fuliyaan weerar iyagoo ku hoos gabanaya rashka.

Booliska ayaa qabtay bam gacmeed, afar bistooladood waxayna xireen 180 qof oo loogaga Shakisn yahay caasimada Addis Ababa, sida uu sheegay afhayeenka Markos Tadese oo ay soo xiganeyso Fana.

Dadka reer Itoobiya ayaa u dabaal dagaya bilowga sanadka 2013 oo ku beegan manta oo jimcaha aheyd.

Ra`isal Wasaare Abiy Ahmed khudbadiisii sanadka cusub ee sanadka cusub wuxuu ku sheegay in dadka reer Itoobiya ay ku rajo weyn yihiin in sanad wanaagsan ay gaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here