Xiddiga Bayern Munich ee Alcântara oo Mugdi badan sii Geliyay mustaqbalkiisa xilli si weyn loola xariirinayo in uu Ka Tagayo Kooxda Munich.

0
119

Laacibka Kooxda Bayern Munich u Ciyaara ee Alcântara ayaa si weyn loola xariirinayaa in uu aadayo kooxda Liverpool xilli Manchester United iyana ay qeyb ka tahay xiisaha Xiddiga Alcantara .

Naadiga Liverpool weli wax heshiis ah lama meel dhigin Naadiga Bayern Munich balse wax qarsoon ma aha xiisaha ay u qabaan iyaga ayaana la tilmaamayaa in ay ku xooggan yihiin

Su`aal xalay laga weydiiyay mustaqbalkiisa waxa uu wargeyska Independent ka yiri” kaliya waxaan ka fikirayaa kulanka caawa ee Ukrine , ka dib aan aragno waxa xiga”.

” Munich waa gurigeyga waana ku faraxsanahay in aan halkaan sii joogo” ayuu sii raaciyay Alcantara .

Su`aal kale oo la weydiiyay cidda uu kala dooran doono Liverpool iyo Man United haddii ay timaado fursad uu ugu wareego waa uu diiday in uu ka jawaabo isaga oo dhoola cadeynaya ayuu wariyaasha ku yiri” Macsalaama”.

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here