DHAGAYSO:- Odayaaasha Dhaqanka ee Gobalka Hiiraan oo ka horyimid Guddiga Soo Xulista Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle

0
74

Odayaasha Dhaqanka ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ay Waxba kama jiraan ku Tilmaameen in ay Magacaabeen  Guddiga soo Xulista Xildhibaanadda Baarlamaanka 2aad ee Maamulka Hirshabeelle,

Ka dib markii dhawaan Shaaca laga qaaday Guddiga soo Xulista Baarlamaanka Labaad ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa si Kulul uga hadlay qaar ka Tirsan Nabadoonadda ka soo jeedda Gobalka Hiiraan kuna Tilmaameen in Guddigaasi aysan Khuseynin soo xulista Xildhibaanadda Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle

Nabadoon Cilmi Hagar oo ka mid Nabadoonadda Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in soo Xulista Guddigaasi ay leeyihiin blasé aanan lagala Tashan Waxa uu sheegay in Guddigaasi ay yihiin kuwa ka soo jeeddaan Dad u dhashay Gobalka Hiiraan balse degaynin Gobalka Hiiraan ay yihiin dad degan Gobalka Shabeellaha Dhexe,

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan Magacaabay Guddiga Soo Xulista Xildhibaanadda Baarlamaanka Labaad ee Maamulka Hirshabeelle, oo Dhawaan lagu Wado in Magaaladda Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ay ka dhacdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here