SAWIRO: Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Jabuuti

0
1097

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Jabuuti kusoo dhoweeyay, Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka gaadiidka Mudane Muuse Maxamed Axmed, Guddoomiyaha marsooyinka iyo aagga ganacsiga xorta ah Mudane Abuubakar Cumar Xadi iyo masuuliyiin kale.

Safarka Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo qaadan doona maalmo kooban, wuxuu ku saabsanyahay xoojinta iskaashiga Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka .

Image may contain: 1 person, standing, sky and outdoor, text that says "FD"Image may contain: 2 people, people standing, suit, wedding and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, sky and outdoorImage may contain: 2 people, people sitting, suit and indoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here