AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo ka Digtay Dabeylo ku soo wajahan Soomaaliya

0
1065

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniin kasoo saartay Roobab dabeylo wata oo kuso wajahan meelo kamid ah dalka sida deegaannada Gobolada Jubbooyinka iyo Shabelelaha Hoose.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dabeylahaan la filan karo inay dhacaan saacadaha soo socdo,sigaar ahna uga dhacaan degmooyinka, Kismaayo, Afmadow, Jamaame, Badhaadhe, Marka iyo Baraawe oo ka tirsan Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Wasaaradda ayaa waxaa ay sidoo kale sheegtay in cabsida ugu weyn ee dabeylahaan ay tahay inay sababaan burbur hantiyadeed sida Guryaha ku dhow dhow deegaannada Xeebaha ah iyo doomaha kalluumeysi,waxaana ay ugu baaqday dadka degan deegaannada Xeebaha inay ka digtoonadaan khataraha ka dhalan kara dabeylahaan.

Ugu dambeyn Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay ugu baaqday Hay’adaha Gargaarka iyo Maamulada Gobolada Jubbooyinka & Shabeellaha Hoose inay u diyaar garoobaan xaaladahaan soo cusboonaaday ayna taageero u muujiyaan Bulshada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here