Burcad qoryaha AK-47 looga baddalanayo Lo’

0
31

Burcadda dib u soo noqoneysa ee damacsan inay bulshada ka mid noqdaan ee waqooyi-galbeed Nigeria ayaa loo bandhigay inay halkii qori ee AK-47 ah ku baddashaan labo neef oo lo’ ah.

Maamulka dowladda hoose ee gobolka ayaa heshiiska noocaas ah la galaya dhammaan burcadda isa soo dhiibeysa.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah iskuday dhalinyarada hubka sharcidarrada ah heysata fursad loogu siinayo inay ka gudbaan nolosha dambiyadda si ay bulshada dib ugu soo biiraan.

Waxaa mashruucan hoggaaminaya Bello Matawalle Barasaabka maamul gobolka Zamfara.

Burcad mootooyin wata ayaa in muddo ahba argagax galinayay gobolkaas.

Lo’da waxay qiimo sare u leedahay bulshada qabiilka Fulani ee xoolo dhaqatada ah, kuwaasoo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin mowjadaha weerarrada ah ee ka socda gobolka.

Hase ahaatee xubno ka tirsan bulshada qabiilkaas ayaa marar badan ku celceliyay inaysan wax lug ah ku lahayn falalka lagu waxyeelleynayo dadka rayidka ah.

Waxay sheegeen in iyaga qudhooda ay qeyb ka yihiin dhibbaneyaasha.

Neefka lo’da ah ee caadiga ah wuxuu qiimihiisa ka joogaa dalka Nigeria lacag dhan 100,000 naira ( oo u dhiganta $260 doolar ama £200 gini).

Qoriga noociisu yahay AK-47 ayaa halkii kamid ahba suuqa madow qiimihiisu ka joogaa lacag dhan 500,000 naira ($1,200; £950).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here