Dowladda Soomaaliya oo Wafdi Xaqiiqo Raadin ah u direysa Magaaladda Beledweyne ee G/Hiiraan

0
873

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay u direysaa wafdi xaqiiqo raadin ah,kuwaas oo baaritaano ku sameynaya wixii sababay diyaaradii shalay burburtay.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar,kaasi oo ka mababaxaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti, iyaga oo kala hadli doona sida ay ku timid burburka diyaarada sahayda u siday Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Maareeyaha Guud ee Diyaaradii ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne Kabtan Xuseen Maxamuud ayaa sheegay in burburka diyaarada uu sabab u ahaa dameer soo galay dhabaha ay kusoo dageysay diyaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here