Dowladda Jarmalka oo Midowga Yurub ku Cadaadinaya Xal laga gaaro Qaxootiga Cusub

0
1367

Dowlada Jarmalka ayaa Wadamada Midowga Yurub ku cadaadineysa sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka Xoogan ee ka taagan qeybsiga Qaxootiga soo gaara Qaarada Yurub maadama wadamada qaarkood ay diideen in ay qeyb ka noqdaan qaxootiga la qeybsanayo.

Wasiirka Arimaha Gudaha Germaalka horst seehofer oo ka hadlay kulan dhexmaray wasiirada arimaha Gudaha ee wadamada yurub kaasi oo u dhacay qaab Video ah ayaa sheegay in ceeb tahay sida wadamada yurub aysan xal ugu gaarin arimaha Qaxootiga.

”Waa Wax ceeb ah in Midowga yurub uusan xal ka gaarin Qaxootiga magangalyodoonka mudo 5 sano oo dhibaatadaasi taagan tahay”

Bishii Semtemper Wadamada Germalka,France, italy iyo Malta ayaa gaaray heshiis ku meel gaar ah kaasi oo Dadka Tahriibayaasha looga soo badbaadinayo bada.

Dooda ugu xoogan ayaana timid kadib markii Dowlada Malta ogolaatay Dooni waday Tahriibayaal kuwaasi oo mudo 9 maalin ku xanibnaa bada dhexdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here