Ciidamada Ilaalada Gaar ka Ah Ee Madaxweyne Deni oo Caawa Safar Dhulka Ah Kutagay Dhuusamareeb

0
92

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Caawa gaaray Ciidamada gaarka ah ee ilaalada Madaxweynaha Puntland oo safar dhulka ah kaga soo baxay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamadaan oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ayaa waxaa ay sigaar ah u ilaalin doonaan Madaxweynaha Puntland oo Dhuusamareeb uga qeyb-galaya Shir gaar ah oo ay yeelanayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Galabta gaaray Dhuusamareeb,waxaana sidoo kale lagu wadaa in Maalinta berito ah ay Dhuusamareeb tagaan Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfurgalbeed.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Berri subaxa hore ay Magaalada Dhuusamareeb tagaan   Ciidamada Gaarka ah ee ilaalada u ah Madaxweynaha Jubbaland kuwaasi oo la filayo in ay sugaan amaanka hoyga madaxweynaha degayo.

Dhuusamareeb waxaa ku sugan Madaxweynaha Hirshabelle oo ay ilaalinayaan Ciidmaada Nabadsugida Somalia , waxaa sidoo kale amaanka Caasimada Sugaya Ciidamada Faderaalka sida Booliiska iyo Nabadsugida.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here