Muhaajiriin Soomaali Ah Oo Ku Xayirnaa Badda Oo La Qaabiley

0
74

Jasiiradda Malta ayaa ogolaatay in xeebaheeda ay ka degaan muhaajiriin in muddo ah ku dhex go’doonsanaa markab xoolaha qaado oo nadaafaddiisa laga deyriyay.

Markabkan waxaa saarnaa muhaajiriin intooda badan ay yihiin Soomaali, waxay gaarayeen ilaa 50 qof.

Jaziiradda Malta waxa ay diidday inay qaabisho muhaajiriintan, waxay ku doodeyso in xeryaha lagu qaabilo dadkaas ee ku yaalla Malta ay buux dhaafeen.

Balse Maalintii Talaadadii Jaziiradda  Malta waxay sheegtay in Qaaradda Yurub ay qaabili doonto ilaa 200 oo muhaajiriin ah kaddib markii heshiis ay wada gaareen.

Maalintii Shaley ayaa Waxy Dowladda Talyaaniga fasaxday muhaarijiin gaaraya Ilaa 180 oo saarnaa markab ku go’doonsanaa xeebaha badda Mediterranean-ka, waxay muhaajirintaas ka kala socdeen dalalka Pakistaan, Eritrea iyo Nigeria, waxaana muhaajirintaas markii hore laga soo badbaadiyay xeebaha Liibiya.

Sannadkii lasoo dhaafay, In ka badan 110,000 muhaajiriin ah ayaa isku dayay inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka, waxaana halkaas ku dhintay 1,200 muhaajiriin ah, sida laga soo xigtay Ha’yadda Socdaalka Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here