Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta yeelanaya Kulamadooda Caadiga ahaa

0
923

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay u Codeynta Hindise Sharciyeedka Mihanadlayaasha Caafimaadka iyo Akhrinta labaad H/Sh Qareemadda Soomaaliyeed.

Xalay  ayaa lagu wargeliyay Xildhibaanada in Maanta uu jiro kulan, kadib markii loo diray fariimo, isla markaana loogu sheegay Ajendayaasha laga doodi doono, loogana baahan inay kasoo qeyb galaan.

Xildhibaanada ayaa maalmihii lasoo dhaafay yeelanayay kulamo is-deba joog ah, iyagoo ku ansixiyay sharciyo dhowr ah, waxaana weli Xildhibaanada horyaalla sharciyo dhowr ah oo laga doonayo inay meel-mariyaan.

Tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa ay ansixiyeen sharciyo kala duwan, waxaana kamid ah Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here