AKHRISO:- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Oo Magacaabay Wasiiro Cusub

0
55

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii  Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Bulshada Maamulkaas Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed loogu Magacaabay Ilyaas Saciid Cali, isagoo bedelaya Ugaas Xasan.

Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa lagu Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batrooka Koonfur Galbeed oo laga dhigay Suleeyman Shubeyb Cali, wuxuuna bedelayaa Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas.

Ugu dambeyn Wasiirada Cusub ee la Magaacabay ayaa waxaa la faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday, halka kuwii horey looga mahadceliyay shaqadii ay soo qabteen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here