DhAGAYSO:- R/Wasaare Ku-Xigeenka ee XFS oo Weerar Afka ah ku qaaday Dowlad Goboleedyada Dalka

0
34

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa marka hore sheegay in Shaqa kasta oo loo qabanayo dowladnimada Soomaaliya loona laabanayo ay yihiin Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin in Baarlamaanka kasta markii uu Saddex sano ka Shaqeeyo wixii ka dambeeya la yiraahdo albaabada haloo laabo sidoo kale aysan 10 nin matali karin masiirka dadka Soomaaliyeed,waxaana uu si kulul u weeraray dowlad Goboleedyada.

” Ha aqbalina Baarlamaanoow markii aad Saddex sano jirtaan kala taga ha aqbalina in 10 Nin masiirka dadka matalaan,ha aqbalina in 10 Nin Sharci dejiye noqdaan in 10 Nin siyaasadda dalka hoggaamiyaan,balse ogaada in waxa ugu dambeeya ee loo laabanayo ay yihiin Baarlamaanka ayuu yiri” Mahdi Guuleed. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar ) ayaa hadalkaan waxaa uu ka sheegay munaasabad loogu mahad celinayay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee meel mariyay Xeerka Gobolka Banaadir uu matalaada ku yeelanayo Aqalka sare taa soo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here