Kaniisad hore oo mar masaajid ahaan jirtay oo hadda uu muran ka taagan yahay

0
70

Maxkamadda ugu Sareysa Dalka Turkiga ayaa maanta lagu wadaa in ay go’aan ka gaarto in dhismaha Hagia Sophia ee ku yaal magaalada Istanbul loo rogi karo masaajid iyo in kale.

Dhismahaasi oo la dhisay qarnigii lixaad ayaa waxaa uu ahaa Kaniisadda ugu weyn adduunka muddo ku dhow kun sano.

Dhismahaasi oo hadda ah xarun ay aqoonsan tahay hay’adda Qaramada Midoobey ee UNESCO waxaa loo beddelay Masaajid sanadkii 1453 xilligaasi oo magaalada Istanbul ay qabsatay boqortooyadii Cusmaaniyiintu, balse waxaa matxaf loo badalay sanadkii 1930kii..

Haddii maanta ay maxkamaddu ogolaato waxaa uu dhismahaasi mar kale noqon karaa Masaajid.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa intii lagu jiray ololaha doorashadii sanadkii hore ku baaqay in dhismahaasi loo badalo Masaajid.

Arrintaasi ayay ahayd mid kooxaha Islaamiyiinta dalkaasi ay in muddo ah ku taamayeen, haseyeeshee xubnaha mucaaradka ee cilmaaniyiinta ahi ayaa tallaabadaasi ka soo horjeestay. Hindisaha ah in dhismahaasi Masaajid loo badalo ayaa waxaa ka dhashay dhaleeceyn caalami ah, oo ka timid hoggaamiyeyaasha diimaha iyo kuwa siyaasadda ee adduunka oo dhan.

Madaxa Kaniisadda Orthodox-ka ayaa ka soo horjeedsaday tallaabadaasi. Sidoo kale dalka Giriiga oo ay ku nool yihiin malaayiin ka tirsan mad’habtaasi masiixiga ee Orthodox ayaa diiddan in dhismahaasi laga dhigo Masaajid.

Wasiirka dhaqanka dalkaasi Giriiga, Lina Mendoni ayaa ku eedeysay Turkiga in uu soo nooleynayo “cunsuriyad ku dhisan wadanniyad iyo dareen diimeed”, waxa ayna ku dooday in xaruntaasi UNESCO aanay cidna wax ka badali karin aan ka ahayn guddiga ka kooban dowladaha kala geddisan ee hay’addaasi.

Balse wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa ku adkeystay in xukuumadda Athens aysan xaq u lahayn arrinta dhismahaasi maadaama uu ku yaal gudaha dalkiisa Turkiga.

Agaasime ku xigeenka hay’adda UNESCO, Ernesto Ottone Ramirez, oo wareysi siiyay wargeyska Ta Nea ee dalkasi Giriiga ayaa sheegay in isbadal kastaa oo lagu sameeyo dhismahaasi ay tahay in marka hore ogolaansho laga soo helo guddigaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in hay’addaasi UNESCO ay Turkiga u qortay warqad ku saabsan hindisahaasi, balse ilaa haatan aysan wax jawaab ah ka helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here