Kooxda Kubadda Cagta ee Arsenal oo guul ay u qalantay garoonkeeda Emirates kaga gaartay kooxda Norwich City

0
27

Kooxda Kubadda ee Arsenal ayaa guul ay u qalantay garoonkeeda Emirates kaga gaartay kooxda Norwich City, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Daqiiqadii 33-aad kooxda Arsenal ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay Pierre-Emerick Aubameyang.

Markale daqiiqadii 37-aad Arsenal ayaa dhalisay gool labaad, waxaana dheesha 2-0 ka dhigay Granit Xhaka, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Pierre-Emerick Aubameyang.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal.

Daqiiqadii 67-aad Arsenal ayaa sii dheereysatay hogaaminta Ciyaarta, kaddib markii uu 3-0 ka dhigay Pierre-Emerick Aubameyang.

Cedric Soares ayaa daqiiqadii 81-aad ciyaarta ka dhigay 4-0 ay ku hogaamineysay kooxda reer London ee Arsenal.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 4-0 ay kaga adkaatay  Arsenal kooxda Norwich City oo marti ugu aheyd garoonka Emirates.

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here