Naadiga Kubadda Cagta ee Chelsea oo Guuldaro Niyad-jab leh kala Kulantay Kooxda West Ham United

0
42

Kooxda Kubadda ee Chelsea ayaa guuldaro niyad-jab leh kala kulantay Kooxda West Ham United oo ay ku booqatay London Stadium, kaddib markii loogu awood sheegtay 3-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Daqiiqadii 34-aad kooxda West Ham United ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Tomas Soucek.

Laakiin daqiiqadii 42-aad Chelsea ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay xiddiga reer Brazil ee Willian, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay barbaro 1-1 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood West Ham United iyo Chelsea.

Daqiiqadii 52-aad West Ham United ayaa markale hogaanka u qabatay dheeshay waxaana 2-1 ka dhigay Michail Antonio, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jarrod Bowen.

Balse daqiiqadii 72-aad Chelsea ayaa heshay goolka barbaraha, kaddib markii uu 2-2 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Willian.

Daqiiqadii 90-aad kooxda West Ham United ayaa hogaanka markale u qabatay ciyaarta waxaana 3-2 ka dhigay Andriy Yarmolenko.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 3-2 ay kaga adkaatay West Ham United kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd London Stadium.

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here