Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho oo Maanta dib loo Furi doono

0
25

Kooxaha MCC iyo Horseed ayaa ku Ciyaari doono Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho iyadoo Maanta Talaado kuna began 30ka Juunta ay Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho  dib u furi doono

Labada koox ayaa hada kaalimaha hore kaga jira horyaalka Somalia Premier League.

Xiriirka Kubadda Cagta ayaa Go`aamiyey  in labadoodu Ciyaaraan cayaarta ugu horeysa maadama ay horyaalka ugu sareeyaan ee hada socda.

Waxaa loo dhigi doonaa koob hal maalin ah oo ujeedadiisu tahay in lagu maamuuso dib u howl-gelinta Garoonka Muqdisho oo ah hoyga Xulka Qaranka Soomaaliya.

Wasiirka Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Marwo Khadiija Maxamed Diiriye Iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab yaa goobta cayaarta ku soo dhaweyn doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed oo laadi doona kubbada ugu horreysa Ciyaarta.

Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in dib u howl-gelinta Garoonka loo aqoonsan doono tallabadii ugu weyneyd ee dhinaca horumarka kubbadda cagta ah ee sanadka 2020-ka.

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here