Beesha Caalamka oo soo dhoweysay qorshaha guddiga doorashooyinka ay soo bandhigeen

0
28

Dalalka iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxa ay soo dhoweeyeen qorshaha guddiga doorashooyinka qaranka soo bandhigeen ee ah labo nooc oo doorasho.

Qoraal ay soo saareen xubnahan ayaa loogu mahadceliyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran oo ay madax ka tahay Guddoomiye Xaliimo Yareey.

Sidoo kale, Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay soo dhaweeyeen shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay ee uu ku casuumay dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,kaasoo dhacaya inta u dhaxeysa 5-8 Luulyo, 2020.

Xubnaha Beesha Caalamka ee War-Saxaafadedka soo saaray ayaa kala ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Jarmalka, Urur-gobaleedka IGAD, Ireland, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here