Kooxo hubeysan oo Weerar Ku qaaday Suuqa Sarifka ee Magaalada Karachi Dalka Pakistan

0
27

Kooxo hubeysan ayaa Weerar Toos ah ku qaaday Suuqa sarifka ee Magaalada Karachi ee Dalka Pakistaan , waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil katirsan Booliiska dalka Pakistan ayaa sheegay in dableyda weerarka geesatay oo ku hubeesnaa qoryaha fudud bambaano ku weerareen albaabaka Suuqa laga galo kadibna gudaha suuqa galay kana bilaabay tooasho.

Ciidamada amaanka dalka Pakistan oo si deg deg ah u gaaray Suuqa la weeraray ayaa toogasho ku dilay afar ka mid ah dableydii weerarka geesatay, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhintay qaar kamid ah dadkii ku sugnaa suuqa la weeraray.

Weerarkan lagu qaaday Suuqa sarifka magaalada Karachi ayaa la ogeyn cida fulisay, waxa ayna saraakiisha booliiska magaalada Karachi shaaciyeen in baaritaan ku wadaan weerarkan iyo cidii ka dambeesay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here