Baarlamaanka Maamulka Puntland Oo Go’aan Ka soo Saaray Matelaadda Gobalka Banaadir

0
667

Waxaa Maanta Kulan yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa si adag uga doodday metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka sare ee Baarlamanka dalka oo shalay ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Qaar kamid ah Xildhibaanada oo kulanka ka hadlay ayaa waxaa ay Dowladda Federaalka, Madasha Xisbiyada, maamulada HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ku eedeeyey in ay faquuqayaan Maamuladda Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale Xildhibaannada qaarkood ayaa soo jeediyey in Puntland ka tashato dowladda Soomaaliya, isla markaasna ku dhawaaqdo madax-banaani, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Xubno Baarlamanka Puntland auyaa sheegay in Goluhu uu qaraar ka soo saarayo 13-ka xubnood ee Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, sidoo kalena la sheegayo in Madaxtooyadda Puntland ay iyaguna War kasoo saarto arrinta Gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here